Xildhibaan soo bandhigay cadaymo ku aadan lacag Puntland ka heshay DFS [Daawo]
November 2, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Xildhibaan ka tirsan Barlamanka dowlada Puntland, ayaa soo bandhigay cadeymo lacag Puntland ka heshay dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaareysa [Saddex Malyan, Labo Boqol iyo Konton doollar], taas oo uu inkiraad ku jiiday Madaxweyne Gaas.
Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka SBC wuxuu sheegay in Puntland dowladda dhexe ka heshay lacag cadadkeedu dhanyahay [Saddex Malyan, Labo Boqol iyo Konton doollar], taasoo qayb ka ahayd lacag dhan 20 Malyan oo 10 kamid ah loo qaybiyay maamul gobaleedyada Soomaaliya.
Hoos ka Daawo Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane oo Wareysi Siiyey Tv SBC ee Puntland
Halgan.net
Garoowe