Madaxweynaha dowladda Puntland oo furay Isbitaalka National oo laga hirgaliyey Boosaaso.[Masawiro]

March 1, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed cali Gaas ayaa maanta 28 February 2017 xadhiga ka jaray Cisbitaalka ‘’National Hospital’’ oo dhawaan laga hirgeli yey magaalada Boosaaso. Ka dib markii Madaxweynuhu Xadhiga ka jaray Cisbitaalka ayaa waxaa uu soo kormeeray qayba uu ka kooban yahay, halkaas oo isbitaalka laga dheehanayey qalab casri ah iyo shaqaale u carbisan takhasus-kooda aqooneed isla markaana waxbadan bulshadooda uga faa’iidayn doona aqoonta ay leeyihiin.

Intaasi ka dib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Cisbitaalku uu yahay mid wax weyn katari doona baahiyaha bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland maadaama ay joogaan shaqaale aqoon u leh shaqadooda, isagoona Madaxweynuhu uu tilmaamay in shaqaalaha gacanta ku haya Cisbitaalka ay yihiin dhalinyaro dalka dibadiisa wax kusoo bartay dalkoodana ugu soo laabtay sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen bulshadooda.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku booriyey maamulka Cisbitaalka in la horumariyo lana tayeeyo shaqalihiisa ka hawla gala, isla markaana si hagrasho la’aan ah loogu adeego bulshadda.

Maamulka degmada Boosaaso, waxgaradka iyo aqoon yahanka ka hadlay munaasibada xadhig jarka Cisbitaalka ayaa dhankooda wax lagu farxo ku tilmaamay hirgelinta isbitaal tayo leh oo ay ka shaqaynayaan dhalinyaro xirfadle isla markaana diyaar u ah inay u adeegaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ku booriyey in la garab istaago Cisbitaalka welibana lagu taageero wax kasta oo dawladda dhankeeda ay uga baahdaan maamulka cisbitaalku “National Hospital”

DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online