Puntland oo soo Bandhigay Kooxo Amniyaadka Al Shabaab ah oo dilalk ka geystay Boosaaso
March 1, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa Magaalada Boosaaso Ee Xarunta gobalka Bari Lagu Soo Bandhigay qaar ka mid ah dhalinyaro ka tirsan sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Sirdoonka ee PIS iyo kuwa Booliska kooxda Al-Shabaab kuwaas oo dilal ka geystay magaalada Boosaaso.
Mid Ka Mida Dhalinyaradii Ka Dambeysay Dilalkii Qorsheysnaa ayaa si faahfaahsan uga waramay qaabka ay dilalka u fuliyeen iyo cida maalgalisay .
Maamulka Gobalka Bari Iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dhamaan dhagarqabayaasha ka tirsan kooxaha Amniyaadka Al Shabaab ee dilalka ka fuliyey Boosaaso ay ku jiraan gacanta dowlada ayna maxkamada Darajada koowaad ay dil ku xukunta.
M_M Deeq
Halgan.net