Culumada Soomaaliyed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubyadda Yahuudu ku hayaan Shacabka reer Falastiin.[Masawiro]
July 24, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Kulankaan oo ay iskugu yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ku Cambaareeyeen dhibaatooyinka iyo xadgudbyada baahsan oo ciidanka Israil ay ku ahayaan shacabka reer Falastiin oo ay dalkooda xoogga ku haystaan. Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamtay in dowladda Islaamka iyo Madaxooda ay ka aamusaan xadugudbka ay Ciidanka Israil ay shacabka reer Falastiin ay uga hor istaageen in ay ku cibaadaystaan Masjidka barakaysan ee Al- Aqsa laguna dhibaateeyo shacabka aan waxba galabsan ee reer Falastiin.
Hoos ka akhri bayaanka culimada Soomaaliyeed ay ka soo saareen xadgudubka Israil ku hayso shacabka reer Falastiin
no images were found
Guddoomiyaha ha’yadda culimada Soomaaliyeed Sh,Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu akhriyay bayaanka ay ka soo saareen hay’adda culimada Soomaaliyeed dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan muslimiinta reer Falastiin iyo masjidka barakeysan ee Al-Aqso, waxaan culimadu ay bogaadiyeen shacabka reer Falastiin ee ka dhiidhiyey xadgudbka ay Yahuudu ka wadan dhulka Falastiin.
no images were found
Hoos ka Daawo bayaanka Guddoomiyaha ha’yadda culimada Soomaaliyeed Sh,Bashiir Axmed Salaad
A/cawaale
Halgan.net