Madaxweyne Farmaajo “ Sheekh Shariif Cabdinuur wuxuu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda

July 6, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Al Callaamah Sh.Shariif Cabdinuur Shariif Xassan. Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaalada barakeysan Makka Al Mukarrama ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid ahaa culumada ugu miisaanka culus Geeska Afrika, cimrigiisa oo idilna ku bixiyay faafinta diinta Islaamka.

“Inaa lilaahu wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan qoyska iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Al Callaamah Sheekh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan. Sheekhu waxa uu ahaa caalim ku xeel dheer diinta Islaamka, kaalin mug lehna ka qaatay faafinteeda.”

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Sheekh Shariif Cabdinuur inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ka siiyo.

——-DHAMMAAD——–
Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online