Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo dil ku xukuntay ninkii dilay Wasiirkii hawlaha guud
July 31, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku xukuntay nin lagu eedeyey inuu ka dambeeyay dilkii loo gaystay Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya.
Eedeysanaha ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah, ayaa horey Racfaan uga ka qaatay xukun dil ah oo ay horay ugu riday Maxkamadda waxaana loo gudbiyey dacwadiisa maxkamada sare ee DFS.
Maxkamadda Sare ee JFS ayaa saaka mar kale ku raacday xkunka dilka ee Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid), oo loo heysto dilka Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Soomaaliya Liibaan Cali Yarow oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in qiraal iyo cadaymo ka dib ay maxakamada dil ku xukuntay Axmed C/laahi Cabdi.
Wasiirkii Hawlaha guud ee Xukuumadda Somaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa la dilay 03-dii Bishii May magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooada Villa Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net