Mu’assada Al-Minhaaj ee degmada Galdogob ee Gobolka Mudug oo daahfurtay Barnaamijka Wacyigelin ah.[Masawiro]

July 24, 2017 - Written by Editor

Galdogob:-Mu’assada Al-Minhaaj ee magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa saaka si rasmi ah u daah furtay Barnaamijka Wacyigalinta iyo Nashaadaadka Xagaaga 2017, qaybtiisii ugu horaysay ee siminaarada, barnaamijkaas oo xagaagaan ka kooban:-

1) Koorsooyin iyo tababro lagu hormarinayo shaqsiyada aqoonyahanka iyo xirfadihiisa oo uu bixinayo Dr shaafici oo hormuudka jaamacadda Salaam ee Muqdisho ahna enternataional trinner, qaybaha qaadanayaana waa xulka ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare, aqoonyahanka gabdhaha iyo hawlwadeenada dugsiyada iyo dacwada.

2) Daraasad ku saabsan dhaqaalaha islaamka iyo beeca oo isugu jirta muxaadaro iyo fataawi oo muassasadu la kaashanayso Bangiga Amal oo soo jeedinayo Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire.

3)Nadwo ku saabsan hagaajinta ama islaaxa heer kasta: Bulsho, Qoys iyo qofba, waxaana soo jeedinaya culumo kala duwan oo kaimaanaya meelo kala duwan.

4) Shirka horumarinta degmada Galdogob oo aqoonyahan kala duwan casharo muhiim ah kasoo jeedin doonaan enedheergarad kala duwana ka qayb qaadan doonaan.

5) Kulamo iyo wadatashiyo dib loogu eegayo goobaha ugu muhiimsan ee dacwada iyo waxbarashada, maamul cusubna loogu magacaabayo Mu’assada Al-Minhaaj ee magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Mu’assada Al-Minhaaj ee
magaalada Galdogob

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online