Wasiir Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland.[Masawiro]

July 23, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Wafidi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa ay la kulmeen Madax weynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga warbixiyay ujeedka safarka wafdiga uu hogaaminayo ay ku soo gaareen Kismaayo.

“Mudane Madaxweyne marka ugu horeeysa waan kaaga mahadcelinayaa kulankan aad nala yeelatay, marka xigta waxa aan u inimid in madaxda iyo shacabka ku nool deegaanada Jubbaland aan ka tala gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan doneynaa in aan bilaawno Geedi-socodka dib loogu eegayo Dastuurka oo aan ka shaqeyneyno in ka qaybgalkiisu uu noqdo mid loo dhanyahay”.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku ammaanay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay u go’antahay in arin walba oo ku saabsan Dastuurka laga talageliyo dawlad goboleedyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa la kulmay Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeennada iyo Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo kawada hadlay sidii Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu u noqon lahaa mid lagu galo qorsho diyaarintiisa loo dhanyahay.

Gebagabadii, AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Baarlamaanka Jubbalanad ka codsaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online