Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo ka socda magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood.[Daawo Video-ga]

October 18, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa saaka ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaliya banaanbaxyo waaweyn oo loga soo horjeedo qaraxii lagu laayey dadka shacabka ah ee ka dhacay is goyska Zoobe. Boqolaal shacab ah ayaa waxaa ay ku qaylinayey erayo ka dhan ah ururk Al-shabaaab waxaan ay ku dhawaaqayen doooni meyno Al-shabaab,Dooni meyno Dhiiga cabe iyo erayo kale.

Dadweynaha banaanbaxa samaynayey ayaa waxa ka muuqday caro xooggan oo ay ka qaadeen dadkii Soomaliyeed e muslinka ahaa ee lagu xasuuqay
is goyska Zoob ee mgaalada Muqdisho. Banaanbaxa ka soconay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu ku dhawaaqay in Shacabka Muqdisho ay ka dhiidhiyaan ficilka Al-shabaab ee cadawnimada ah ee lagu xasuuqayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Banaanbaxan ayaa la filayaan inay ka soo qaybgalaan masuuliin ka tirsan dawlada Soomaaliya, ururada bulshada rayidka iyo dadweynaha ku dhaqan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho, waxaa kale oo la fasaxay dugsiyadii waxbarashada iyo jaamacadihii si ay uga qaybgalaan banaanbaxa ka socda Muqdisho.

Dhinac kale Banaanbaxyo waaweyn ee looga soo horjoodo ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay Gobolada dalka Soomaaliya iyadoo qaraxii lagu laayey dadka shacabka ah e ka dhacay isgoyska Zoobe uu u muuqdo mid ay buslahada Soomaaliyeed ka samaynayaan kacdoon shacab oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Hoos ka daawo Tv-ga Universal iyo STntv oo gudbinaya banaanbixii ka dhacay magaalada Muqdisho

 

A/cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online