Gudiga Gurmadka Culimada Safa oo deeq lacag ah ku wareejiyey qoysas ku waxyeeloobay qaraxii is goyska Zoobe.[Masawiro]
October 25, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Gudiga Gurmadka Culimada Safaa ee loo sameeyey dadkii lagu laayey Is Goyska Zoobe ayaa waxaa ay uga mahad celiyen Kaalmadii Jaaliyadda Sweden ee Gurmadka Musiibadii Qaraxii lagu laayey dadka Soomaaliyeed ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, Ilaahey mahadii maanta(5 Safar 1439 / 25 October 2017), Gudiga Mu’asasada SAFA ee Gurmadka Musiibadii Soobe waxaa u qabsoomey iney kaalmo lacageed gaarsiiyaan 50 qoys oo ka mid ah dadkii eheladu uga dhinteen Musiibadii Soobe.
Deeqda lacageed qeybteeda koobaad oo dhameyd $30,000 ayaa gudigu ka heleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden. Ugu horeyn waxaa goobta ka Hadley Dr. C/wali Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mida Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa.
Kelmada Dr. C/wali waxey ku saabsaneed sabirsiin uu u jeediyey qoysaska dhibku gaarey oo dad eheladooda ah ku waayey Musiibadii Soobe ka dhacdey. Sh. Maxamuud Sh Axmed Xassan– Abu-Sheyba oo ah gudoomiyaha Gudiga Safa ee Gurmadka Musiibadii Soobe ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka kulanka oo ah in 50 Qoys oo ka mida dadkii dhibku gaarey iney gudoon siinayaan lacag cadaana oo dabka ay ku sii shitaan, qoys walba oo dadkan ka mid ah ayaa la siinayey $300.
no images were found
Sidoo kale Sheekh Abu-Sheyba wuxuu sheegay $30,000 ee ka soo gaartey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden iney maanta & beri kala gaarsiinayaan 100 Qoys oo ka mid ah dadkii ehelkooda ku waayey musiibadii Zoobe. Sidoo kale ay jirto $20,000 oo kale ay isla Jaaliyadda Sweden ka filayaan iney kasoo gaarto isla maanta Insha Allah, waxaa Goob Joog ahaa Xafladaa Xubno ka Socday Gudiga Heer Qaran ee Loo Saaray Musiibadii Soobe.
Gudiga Gurmadka Culimada ee Mu’assasad Safa
Muqdisho,Halgan.net