Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa oo deeq lacag ah gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Isgoyska Zoob.[Masawiro]

October 28, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Mu’asasada Safa ee Dacwada & hormarinta ayaa maalintii Saddexaad qeybisey kaalmo lacageed oo Shirkada Amal & Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ka timid looguna tala galey Gurmadka Muusiibadii Soobe. Tiro 100 Qoys ayaa maanta ka faa’iideysatey kaalmada Gurmadka Musiibadii Soobe, waxaana qoyskiiba la siiyey sida kuwii horeba $300 oo loogu talo galey iney dabka ku sii shitaan. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka kala socdey Gudiga Gurmadka Qaran & Gudiga Mu’asasada Safa oo kala ah:-

– Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Gurmadka Qaran.

– Sh. Maxamuud Sh. Axmed Abu Sheyba, Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka ee Safa.

– Dr. Sh. Haaruun Sheikh.

– Sh. C/fataax Xasan Axmed.

– Sh. C/casiis Cali Xasan.

Kelmaha la jeediyay ayaa isugu jirey, tacsi, sabirsiin, mahadcelin iyo in gurmadka lasii wado lana xoojiyo si dadka gacantu u wada gaarto, mustaqbalka & aayaha Agoomaha & dadka nafoobeyna loo kaabo.

Muqdisho 8 Safar 1439
28 Oct 2017
وبالله التوفيق
Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa
ee Dacwada iyo Horumarinta .

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online