Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa oo deeq lacag ah gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Isgoyska Zoob.[Masawiro]
October 28, 2017 - Written by Editor
Muqdisho:-Mu’asasada Safa ee Dacwada & hormarinta ayaa maalintii Saddexaad qeybisey kaalmo lacageed oo Shirkada Amal & Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ka timid looguna tala galey Gurmadka Muusiibadii Soobe. Tiro 100 Qoys ayaa maanta ka faa’iideysatey kaalmada Gurmadka Musiibadii Soobe, waxaana qoyskiiba la siiyey sida kuwii horeba $300 oo loogu talo galey iney dabka ku sii shitaan. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka kala socdey Gudiga Gurmadka Qaran & Gudiga Mu’asasada Safa oo kala ah:-
– Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Gurmadka Qaran.
– Sh. Maxamuud Sh. Axmed Abu Sheyba, Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka ee Safa.
– Dr. Sh. Haaruun Sheikh.
– Sh. C/fataax Xasan Axmed.
– Sh. C/casiis Cali Xasan.
[ngg_images source=”galleries” container_ids=”2385″ display_type=”photocrati-nextgen_basic_thumbnails” override_thumbnail_settings=”0″ thumbnail_width=”600″ thumbnail_height=”800″ thumbnail_crop=”1″ images_per_page=”200″ number_of_columns=”0″ ajax_pagination=”0″ show_all_in_lightbox=”0″ use_imagebrowser_effect=”0″ show_slideshow_link=”0″ order_by=”sortorder” order_direction=”ASC” returns=”included” maximum_entity_count=”500″]
Kelmaha la jeediyay ayaa isugu jirey, tacsi, sabirsiin, mahadcelin iyo in gurmadka lasii wado lana xoojiyo si dadka gacantu u wada gaarto, mustaqbalka & aayaha Agoomaha & dadka nafoobeyna loo kaabo.
Muqdisho 8 Safar 1439
28 Oct 2017
وبالله التوفيق
Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa
ee Dacwada iyo Horumarinta .

.gif)

