Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne oo waraysi uu siiyey SBC uga waramay 3 nin oo lagu xiray Garoowe.[Dhagayso]
October 13, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda SBC waxaa uu ka hadlay rag lagu xiray Garoowe isagoo sheegay in ay Garoowe kaga dhawaaqeen Madal aan waafaqsanayn Dastuurka Puntland u yaal ayna fara kula jireen falal khalkhal galinaya nabadgelyada guud ee Puntland. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in xubnaha la xiray lagu wargeliyey in ay ka waantoobaan falalka ay gacanta kula jiraan walow oo arrinkaas looga digay ay u hogaansami waayeen amarka gudiga nabadgelyada Gobolka Nugaal waxaan uu sheegay in Maxkamada la hor keeni doono dhawaan.
Hoos ka Dhagayso waraysi uu SBC siiyey Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne
[audio: http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2017/10/WAREYSI-CUMAR-FARAWEYNE-GUDOMIYAHA-NUGAAL.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net