Heshiiskii Puntland iyo DPWORLD ee Wareejinta Dekeda magaalada Boosaaso (Daawo)

October 12, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa maanta si rasmi ah maamulka dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta magaalada Ganacsiga ee Puntland loogu wareejiyey shirkad lagu magacaabo P&O oo laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxaana xaflada wareejinta ka soo qeybgalay madaxda Puntland iyo xubnaha labada gole ee Puntland .

Wasiirka dekedaha Puntland, Siciid Maxamed Raage, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA uga waramay faa,idada ay u leedahay Puntland iyo Soomaaliya in Dekedda magaalada Boosaaso lagu wareejiyo Shirka DPWORLD.

Dhanka kale Agaasimaha Wasaradaha Dekadaha Punland Cabdi Majiid Jaafaan ayaa sheegay in dhismaha Dekkada magaalada Boosaaso ay noqon doonto horumar ay ku talaabsan doonto Puntland .

Xafalada lagu wareejiyey Dekkada magaalada Boosaaso ayaa waxaa goobjoog ka ahaa isimo ,nabadoono waxaana ay ugu baaqeen shacabka in ay taageeraan harumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ay wado dowlada Puntland.

 

Hoos ka Daawo Qaabkii loo wareejiyey Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,087 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>