Jeneraal Maxamed Abshir Muse oo ku geeriyooday dalka Maraykanka
October 26, 2017 - Written by EditorMinneapolis:-Allaha u naxarariistee, waxaa shalay Magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ka mid ahaa Sarakiishii Ciidanka Booliska Soomaaliaya ugu horeeyey aadna looga yaqaanay dalka Soomaaliya. Allaha u naxaristee Jeneraal Maxamed Abshir Muuse ayaa waxaa uu noqday Taliyihii ugu horeeyay Ee Ciidamada Booliska Soomaaliya wuxuuna ahaan Saraakisha dalka dibadiisa wax ku soo bartay in badan u soo shaqeeya dowladdii Soomaaliya .
Allaha u naxaristee Jeneraal Maxamed Abshir Muuse ayaa mudo 10 sano ah waxaa xiray dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Bare isagoo ka mid ahaa siyaasiyiin iyo Sarakiil caan ah oo in mudo ah xirnaa.
Mamulka Halgan.net waxaan uga tacsiyey naynaa umada Somaaliyeed iyo eheladii , qoyskii u ka geeriyooda geerida Jeneraal Maxamed Abshir Muuse in uu sabar iyo iimaan ka siiyo isagna uu naxaristii Eebe siiyo.
M_M_Deeq
Halgan.net