Maamulka Gal–Mudug oo eedayen u soo jeediyey Maxkamada sare ee dowladda Fedraalka Soomaaliya.[Dhagayso]

October 26, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Maamulka Galmudug ayaa mar kale waxaa uu eedeyn u soo jeediyey Maxkamada sare ee dowladda Fedraalka iyo weliba madaxda ugu saraysay dowladda Federaalk soomaaliya oo lagu eedeeyey fara gelin iyo in ay xubno Xildhaano oo qaswadayaal u soo dirtay degmada Cadaado kuwaas oo adeegsanaya lacago sidda uu saxaafadda u sheegay wasiirk warfaafinta ee Gal.mudug Maxamed Cusmaan (Masagawaa)

War Saxaafadeedka Galmudug, ayaa u qornaa sidatan:-

UJEEDDO: Dhibaatada ay xubno qaswadayaal ah ku hayaan Galmudug.

Tan iyo markii uu fashilmay Inqilaabkii la damacsanaa in lagu minjaxaabiyo, xilkana looga qaado Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa jiray farsamooyin hor leh oo ay adeegsanayeen xubno qaswadayaal ah oo ku ganbanaya magaca xukuumadda, iyadoo ay ku dhex socotay martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dowlad Goboleedka xubnaha ka ah DFS, si looga wada xaajoodo tabashooyin ay Dowlad Goboleedyadu ka muujiyeen hannaanka wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada, ka dib markii ay ku shireen Kismaayo horaantii bishan October/2017ka.

Waxaa nasiibdarro iyo lama filaan ah in xubnaha aan kor ku soo sheegnay ay weli ku wadaan debandaabyadii ay kula dhaqmayeen Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay ku soo qul-qulayaan Cadaado shakhsiyaad aad u adeegsanaya dhaqaale oo olole siyaasadeed ka wada, Xildhibaano laga soo tashkiiliyay Muqdisho, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Cadaado iyo adeegsiga Maxkamadda Sare ee DFS oo gal dacwadeed ladaba socota Madaxweynaha DGGM, taas oo Maamulka Galmudug horey uga jawaabay dacwadaas in aanay xaq u lahayn qaadisteeda Maxkamadda Sare ee DFS, balse haddii ay jirto dacwadaas ay xaq u leeyihiin Hay’adaha Garsoorka Galmudug.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa ka dhalatay kalsooni darro iyo muuqaal ah in weli ay socoto dhibaatadii ay qaswadayaashu ku hayeen Dowlad Goboleedka Galmudug.

Haddaba, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS iyo dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in culayska saaran Galmudug laga qaado, si ay noogu suuragasho inaan ka soo qaybgalno shirka loo ballansan yahay 28-ka bishan.

Hoos ka Dhagayso warsaxaafadeedka oo uu akhrinayo wasiirka warfaafinta Gal-Mudug Maxamed Cusmaan (Masagawaa)

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/10/Masagawaa-warsaxaafadeed.mp3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

-Dhammaad-

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online