Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Kismaayo (Masawiro)

October 6, 2017 - Written by Editor

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha jubaLand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Madaxweynaha K/Galbeed iyo wafdiga uu hogaaminayo kaas oo ka qeyb gali doon shir Maamul gobaleedyada uga furmi doona magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha JubaLand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa rajo weyn ka muujiyey in uu miro dhalo shirka lagu qaban doono magaalada Kismaayo kaas oo uu sheegay in uu Muhiim u yahay Soomaalida.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u mahad celiyey Madaxweynaha J/land wuxuuna dhankiisa sheegay in J/land ay hurmuud ka tahay nabada Soomaaliya iyo wadajirkeeda.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in wixii khilaafa ah lagu dhameeyo wadahadal sidii cadwoga Soomaaliya ee dalka ragaadiyey looga hor tagi lahaa .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online