Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay magaalada Kismaayo.[Masawiro]
October 8, 2017 - Written by EditorMadaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhawayd u ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir u furmaya Maamul gobaleedyada dalka. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ay ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaaana socdaalkiisa ku weheliyey wasiiro iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland.
no images were found
Madaxweynayaaasha Maamul gobaleedyada ayaa dhamaantood isagu tagi doona magaalada Kismaayo iyaga oo ka hadli doona arimo ay ka mid yihiin Khilaafka Galmudug ee lagu eedeynayo madaxada DFS iyo arimaha Federaalka iyo Dustuurka. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa intii usan ka dhoofin garoonka diyaradaha ee Boosaso waxaa uu ka hadlaya muhimada shirka ka furmaya kismaayo wuxuuna sheegay shirka uusan carqalad ku ahayd madaxda JFS. Waxaa sidoo kale gaaray magaalada Kismaayo Madaxweynayaasha Maamulada Galmdug , Hirshabeel ,G/galbeed iyo Puntland .
M_M Deeq
Halgan.net