Maxkamadda Sare ee Gal-Mudug oo xilalkii ka xayuubisay Madaxweynaha Gal-Mudug, Ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha Baarlamaanka
October 3, 2017 - Written by EditorCadaado:-Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug, ayaa waxaa ay maanta go’aan rasmi ah ka gartay khilaafka u dhexeeya Madaxda u saraysa maamulka Gal-Mudug iyadoo Maxkamadu ay xilka ka wada qaaday Madaxweynaha Gal-Mudug, Kuxigeenkiisa, gudoomiyaha baarlamaanka iyo gudoomiyaha ku xigeenka 1aad. Warsaxaafadeed uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,Gal-Mudug Yaxye Sh. Cali Maxamed ayaa saxaafadda u akhriyey go’aanka ay ka gaartay Maxkamada sare khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee maamulka Gal-Mudug.
Hoos ka akhri go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare,Gal-Mudug Yaxye Sheekh Cali Maxamed.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net