Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka hadlay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe.[Daawo Video]

October 16, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab noqdayna ku xigeenka iyo afhayeenka Al-shabaab ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Xarunta GurmadQaran ee Magaalada Muqdisho xili uu dhiigiisa uu bixinayey waxaan uu si kulul u canbaareeyey qaraxiiwuxuushnimada ahaa ee lagu laayey dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay qaraxyo dhiig badan oo dad shacab ah ku daatay ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya waxaan uu xusay qaraxyadii Shaamo iyo Hargaha iyo saamaha isagoo sheegay in uu kala hadlay al-shabab in la joojiyo qaraxyada dadka shacabka ah lagu laynayo balse aysan warkiisa yeelin.

Sh. Mukhtaar Roobow ayaa ugu baaqay Al-shabaab gaar ahan dhalinyarada in aan guul lagu gaarayn dilalka iyo qaraxyada dadka muslinka loona baahan yahay inta ay goorgoor tahay in ay ka toobad keenaan ficilkaas guracan oo aan lagu galaynin Janada balse lagu mutahaysanyo Naarta.
Sh. Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in uu isagaba toobada keenay loona baahan yahay qof walba inta aysan u iman geeridu in uu isdabaqabto oo uu ka waantoobo dilka iyo qaraxyada dadka muslinka ah ee aan waxba galabsan.

Sh. Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa intii uu ka mid ahaa ururka Al-shabaab waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay dilal lagu fuliyey culimo waaweyn oo Soomaali ah oo aan ka xusi karno Sh Maxamed Tahlii , Sh Dr Axmed Xaaji Abdirahmaan iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo kuwa kale. Sh. Mukhtaar Roobow ayaa waxaa kale oo intii uu ka mid ahaa Al-shabaab dalka ka dhacay qaraxyo waaweyn walow waqtigaas uusan la hadal saxaafaddana uusan ka cadaysan mowqifkiisa maanta oo kale.

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Sh. Mukhtaar Roobow Abu Mansuur uu uga hadlay qaraxii is goyska Zoobe


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online