Wareysi: Nin la dilay Xubno Qoyskiisa oo ay ka mid yihiin Ilmo dhowr bilood jira ah iyo Hooyadiis.[Dhagayso]

October 29, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Saraakiil dawladda Soomaaliya ah iyo hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof ay ku dhinteen weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu 45 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badan yihiin rayid shacab ah oo huteelkaais ku sugnaa iyo kuwo jidka marayey.

Waxaa kale oo la xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan carruur qaarkood ay jiraan dhowr bilood.Shacabkaasi dhintay waxaa ka mid ah qoys ay ka geeri yoodeen afar xubnood oo iksugu jira afar carruur ah iyo ayeydood. Saddex qof oo kale oo isla qoyska ah ayaa dhaawacmay. Haddaba Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay aabaha wiil lix bil jir ah oo lagu dilay weerarkaas, waxaana uu ku dhintay canuggaas xabad ku dhacday hooyadiis oo dhabteeda uu ku sugnaa.

Ninkaasi waanu qarinay magiisa sababo dhinaca amniga ah.

Source:VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,991 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>