Wasiirka caafimaadka dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho[Masawiro]
October 16, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho e caasimada dalka Somaaliya wafdi u hogaaminayo wasiirka caafimaadka ee dowladda Turkiga, Wafdigaan ayaa waxa la socda dhakhaatiir caafimaad iyo kalkaaliyaa doonaya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan shacabkii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay qaraxii ka dhacay Is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka caafimaadka dowlada Turkiga oo warbaahinta kuala hadlay markii u ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa xusay in uu aad uga xun yahay khasaarihii dhimasho iyo dhawac ee gaaray shacabka Soomaaliyeed waxaan uu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
Wafdiga Wasiirka caafimaadka dowlada Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde e magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha dibada Yusuf Garaad iyo Xildhbaano ka tirsan golaha wakiilada ee Soomaaliya.
no images were found
Dhinac kale Dowladda Turkiga ayaa diyaarada khaas ah u soo dirtay dadkii qabay dhaawac yada culus waxaan loo qaaday dalka Turkiga halkaas oo lagu soo daweyn doono. Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horaysay oo gargaar deg deg ah la soo gaartay shacabka Soomaaliyeed ee ay arxan laawayaashu ku xasuuqeen Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho
A/cawaale
Halgan.net