Wasiirkii Gaashaandhigga dowladda Federaalka Somaliya iyo Taliyaha Ciidanka Soomaliya oo Iscasilay.[Dhagayso]
October 12, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirkii Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa iska casilay xilkii uu u hayayey xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaan u warqadiisa is casilaada uu u gudbiyey Golaha wasiirada. Dhinka kale Taliyihii ciidamada xoogga dalka dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ayaa isagana iscasilay lamana yaqaan sababta uu xilka uga tegay iyaadoo markii uu Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya is casilay uua Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed uu isagana ku dhawaaqay in uu uu is casilay.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Eng: Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa waxaa uu u sheegay in Wasiirkii Gaashaandhigga, iyo Taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ay isku casileen arrimo shaqsiyadeed.
Hoos ka Dhagayso Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay VOA
A/cawaale
Halgan.net