Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabey Wasiir iyo Wasiir Ku Xigeen.
May 12, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda.
Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo. Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland.
1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.
2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda
Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND