Madaxweynaha KGS oo Shir Gudoomiyey Kullanka Khamiis lah ee Gollahiisa wasiirada.[Masawiro]
April 4, 2019 - Written by EditorBaydhabo:-Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta Shir Gadoomiyey Kullanka Khamiislah Ee Gollaha wasiirada Koonfur galbeed soomaaliya.
Shirka waxa looga hadley Arimaha Amaanka, Iyo Biyo La’aanka Ka jirta Deeganada Koonfur Galbeed waxa sido kale Xafiiska hanti dhowrka KGS maanta u soo gudbiyey xubnaha golaha wasiirada hindise sharciyeedka hanti dhowrka iyo Qodobo kale.
Madaxweyne C/Casiis aya Bogadiyey Howlgalada Ciidamada Xogga Dalka soomaaliyeed ay ka wadaan Deeganada Gobolka sh/hoose oo ay kooxda Meeshiyada Al Shabab ay kala wareegen Deegano ka Tirsan Gobolkaasi.
dhinac kale Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kormeer shaqo ku sameeyey tubta Toosan Oo Maal Mahan tababar U wada Dhallinyaro la rabo in ay la shaqeeyan Dhamaan Wasaaradaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo Maal Mahan Howlo shaqa ah U jooga Magaalada Baydhabo Xaruunta KMG Dowlad Gobolledka kgs.
Tani aya Qeyb ka Ah Ballanqaatkii Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ,in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada Reer Kgs iyo in Isla Xisaabtan Dhab ah uu ka sameeyo Hay’adaha Dowlada kala Duwan,
Wafdigan Ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo u xilsaaran Tubta toosan Ayaa shaqo Muhiim ah ka wada Dowlad Gobolleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net