Madaxweynaha KGS oo shir gudoomiyey shir looga hadlayo arrimaha amniga
April 3, 2019 - Written by EditorBaydhabo:- Madaxweynaha Dowlad Gobolledka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane /Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen aya Shir Gadoomiyay Kullan Looga hadlayay Arrimaha Amniga Deeganada Kgs ,waxana ka soo qeyb galey Wasiiro Ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed ,iyo Saraakiisha Ciidamada Kala Duwan , Iyo Wakiilka UNSOM Ee Deeganada Kgs.
Shirka ayaa waxaaa inta badan looga hadley Xaladda guud ee amniga Deeganada KgG, iyo weliba Sidii loo Xoojin laha Howlgalada Ka dhanka ah ee Maleeshiyada Al shabab,iyo sidii loo Furi Lahaa waddoyinka ay Go’odoomiyen Al Shabaab ,loona xoojin lahaa Wada shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Lamaha Amniga.
Kullanka oo Wakhti Badan qaatey Marka uu soo cidlaadey waxaa warbahinta la hadley Wasiir Kuxigeenka wasaradda Amniga Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Isaxaaq Barrow Isaxaaq, isagoona Faafahin Ka Bixyay Kullanka Maanta Qodobada Looga hadley.
A/cawaale
Halgan.net