Madaxweynaha KGS oo shir gudoomiyey shirka Golaha wasiirada KGS.[Masawiro]
April 25, 2019 - Written by EditorBaydhabo:-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta -Gareen, ayaa maanta shir Gudoomiyay Shirka Gollaha wasiirada ee Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa Maanta waxa looga hadley qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Amniga ,iyo Dakhliga Dowladda kgs in ay mas’uul ka tahay Wasaradda maaliyadda Iyo Dhismaha Gollaha Deeganka Iyo Qodobo kale Muhiim ah.
Dhanka Kale Madaxweyne C/Casiis ayaa Kulan saacado badan qaatey La yeeshey Gudoomiyaha Gudiga Madax Banan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim ,
Waxayna ay kawada hadleen Buuxinta Koraasta ka banaan Barlamanka soomaaliya Xildhibanada Ugu matala maamulka Koonfur galbeed waxeyna ay sheektey Gudoomiyaha Gudiga Madax banan ee Doorashooyina Qaranka soomaaliya in maal maha soo socda Magaalda Baydhabo ay ku qaban Doonan Dooraahada Karaastaasi oo ka mid yahay Booskii Xildhibaanimo uu baneeyay Madaxweyne Lafta-gareen .
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Gudiga Madaxbanan Doorashooyinka qaranka soomaaliya U ballan qaadey in wax faragalin ah lagu sameyn karin doorashooyinka dhawaan lagu qaban doono Baydhabo.
A/cawaale
Halgan.net