Nadwo Cilmiyeed Xalay ka bilaabatay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar(Masawiro)
April 22, 2019 - Written by EditorQardho:-Waxaa Xalay oo Taariikhdu ahayd 17 Bisha Shacbaan oo waafaqsan 21 April 2019 ka bilaabatay Masjidka Cumar Binu Khadaab ee Magaalada Qardho Nadwo Cilmiyeed Cinwaankeedu ahaa: “Hagaajinta Bulshadu Waa hawl inoo wada taal”. Nadwadaas oo socon doonta 4 habeen ayaa waxaa looga hadli doonaa:
- Dhiiga Muslimka in la fududaysto iyo Sababaha keena. Dr. Maxed Axmed Faarax
- Cuquubada Zinada ee Aduun iyo Aakhiro. Sh Cabdirashiid Siciid Ducaale.
- Heesaha iyo waxa ay diintu ka qabto. Sh Xasan Maxed Muuse (Bookh).
- Baraha Bulshada iyo Saamayntooda. Dr C/rashiid Sh Saalax Xaaji Axmed.
Waxaa la socda Muxaadarooyinka Culimadu ay soo jiidinayaan ka jawaabida Suaalaha Diiniga ah ee dadka ka soo qaybgalay Nadwada.
Xalay oo ahayd habeenkii koowaad waxaa ka qayb galay:
Nabadoon Muuse Siciid Xaaji Maxed.
Islaan Axmed Islaan Maxud Maxed.
Gudoomiyahay Waxbarashada Degmada Qardho: Siciid Maxed Faahiye.
no images were found
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar: C/laahi Maxed Barre.
Halgan.net
Qardho