Madaxweynaha Galmudug oo eedeyn kulul u jeediyey Madaxda DFS

June 10, 2019 - Written by Editor
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, wuxuuna ballan qaaday in uu dagaalka sii wadi doono.

Isaga oo xalay ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, oo lagu abaalmarinayay dhallinyaro ku dalxiisay deegaanada Galmudug ayuu Xaaf sheegay in Galmudug ay isku tashan doonto.

Wuxuu sheegay in dagaal iyo cunaqabatayn joogto ah lagu hayo: “Hal sanno xamar gurigeyga ma tagin, cadaadana diyaarad ayaan ku dul maraa, balse dagaal ayaan ka xigaa” ayuu yiri Xaaf.

Inkasta oo la fahmi karo in uusan tagin Xamar, haddana waxaa war cusub in uusan tagin Cadaado oo mar ahayd caasimadda Galmudug, haddane ah xarunta baarlamaanka maamul goboleedka, waxayna su’aal ka keenaysaa cidda halkaas ka Talisa mar haddii madaxweynihii maamulka uusan tagi karin.

Xaaf ayaa horay uga mid ahaan jirey ganacsataha waaweyn ee magaalada Muqdisho ka hor intii uusan noqon madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo masaafo ahaan boqolaal kiilo mitir u jirta caasimadda.

Galmudug ayaa dhawaan dowlad goboleedyada kale ugu baaqday in ay kasoo qeybgalaan shir degdeg ah oo looga tashanayo marxaladda uu dalka marayo.

Mar sii horeysay Galmudug iyo Puntland ayaa xiriirkii wada shaqaynta u jaray dowladda federaalka.

Dhanka kale madaxweyne Xaaf ayaa dhallinyarada ku dhiirogaliyay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka, wuxuuna u ballan qaaday in dhammaantood ay shaqooyin heli doonaan.

“Wax badan ayaa la dhagax dhigay muddo ka hor, wax idinku soo laabtay miyaad aragteen?, mana arki doontaan, balse annaga shaqadeena waan qabsanaynaa, waddooyin iyo warshadaba waan dhisanaynaa, hadda waxaa la dhagax dhigay jidka Guriceel iyo Ceel Dheer oo aan dhisaynaa” ayuu yiri Xaaf.

Halkan ka wada Akhriso warkii oo dhan BBC -da
https://www.bbc.com/somali/war-48587762
Xigasho BBC Somalia

Comments are closed.

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online