Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.
June 30, 2019 - Written by Editor![](https://i2.wp.com/halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2019/06/65445549_682901862123337_1740288656343564288_opl.png?fit=1024%2C636)
Garoowe:-Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo Khibraddooda ciidan.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
2. Waxaa S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND