Madaxweyne Deni oo Buurtinle U Magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku meel-gaar ah.

June 19, 2019 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada Maamulka Degmada Buurtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle.

2. Waxaa Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Buurtinle.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online