Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali
Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale
Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado
maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27-ka Juun, 2018.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim
ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug
iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka
iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.
Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan:
1.
Madaxdu waxay si
wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019
loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.
2.
Madaxweyne Xaaf
iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi
socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo
Galmudug mideysan.
3.
In Dowlad
Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u
heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya.
4.
Si ay u noqoto
caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si
buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.
5.
In Dowladda
Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug
si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee
bulshada Galmudug.