Kulan lagu Taageeray Go’aankii Xukuumada Puntland oo lagu qabtay Gaalkacyo
February 12, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadi yeynta waxaa ka dhacay Kulan lagu Taageeray Go’aankii Golaha Xukuumada Dowladda Puntland, waxaana kulanka soo qaban qaabisay Isku-duwaha ururada Haweenka Puntland Nadiifa Maxamed Cali Saciid(Ubax).
Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa taageerida Go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumada Dowladda Puntland iyo Shirwaynihii uu ku Baaqay Madaxwaynaha Dowlada Puntland 15March.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Isku-duwaha Ururada Haweenka Puntland waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Nugaal Faduma Axmed Nur Bergaal, Gudoomiye Kuxigeenka ururka haweenka Gobolka Nugal Nadifa Maxamuud Cisman Gudomiyaha ururka haweenka dagmada Burtinle Casha Geele, qaarkamida haweenka Puntland iyo xubno kasocday ururka haweenka Gobolka Nugaal
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND