Madaxweynaha JFS oo raali gelin ka bixiyey dhibaatadii loo geystay gobollada Waqooyi Galbeed.[Video]
February 13, 2020 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.
Dhinac kale Madaxweynaha JFS Maxamed Abdulaahi Farmaajo ayaa raalin gelin ka bixiyey ficiladii tacadiga ahaa ee dowladdii hore ee Somaaliya ay ka geysteen Waqooyiga Soomaaliya waxaa uu yiri
”Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”
A/cawale
Halgan.net