Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Yusuf Cismaan Samatar Bardacad
February 14, 2020 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad oo ku geeriyoodey dalka Maraykanka.
Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa Sharciyaqaan, Ruugcadaa Siyaasi Soomaaliyeed ah oo door muhiim ah kasoo qaatay halgankii Soomaaliya, hanaanka xisbiyada badan ee xukuumadihii 1960 ilaa 1969, isaga oo ka mid noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaaliya.
Alle ha u naxariistee Yuusuf Cismaan Samatar oo soo noqday Guddoomiyihii Xisbigii SDU, waxaa uu Waxbarasho Jamacadeed oo lacag la’aan ah ka saacidey dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba kumanaan arday Soomaaliyeed oo maanta dalkooda iyo dadkoodaba u shaqaynaaya, una soo shaqeeyey, waxa uu ahaa siyaasigii Soomaaliyeed ee wakhtigii ugu badnaa maxbuus u noqda aragtidiisa.
Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.