Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Galdogob.
February 8, 2020 - Written by EditorBoosaaso:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 6, 2020, ugu magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen Ku meel gaar ah Degmadda Galdogob.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub.
Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.
2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
= DHAMMAAD=
=XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=