Madaxweyne Deni Oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde.

April 1, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyoodey dalka Ingiriiska, waxaana uu u geeriyoodey caabuqa Covid-19.

Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa muddo dheer ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilliyadii Isticmaarka iyo dowladdii kala dambeeyey ee dalka illaa iyo 1990-kii, sidoo kale waxaa uu kasoo shaqeeyey Arrimaha bini’adamtinimada, gaar ahaan xilligii burburka, isagoo Madax ka ahaa Hay’adda Bisha Cas, waxaana uu gacan ka geystey baahiyihii badnaa ee xilligaasi dalka ka jirey.

November, 22, 2007 Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa Madaxweynihi Soomaaliya ee xiligaas Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dowladii Ku meel gaarka aheyd.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxaa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online