Wefti ka socda Dowlada Puntland oo gaaray Degmada Dhudhub ee gobolka Karkaar
May 28, 2020 - Written by EditorQardho:-Wefti ka socda Dowlada Puntland oo gaaray Degmada Dhudhub ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo odayaasha Degmada.
Weftiga ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federal ka iyo Dimuquraadiyeynta Dowlada oo ay Weheliyaan Maareeyaha Wakaalada Horumarinta biyaha iyo Masuuliyiin kale ayaa waxa looga hadlay sidii dadka reer Dhudhub u heli lahayeen biyo Macaan iyo biyo galin Magaalada ah waxana ay kormeer ku tageen Ceelka Biyaha Siiya Magaalada.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadwaynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland.