๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ข๐ผ ๐ซ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ถ๐๐ธ๐ถ๐ถ๐๐ฎ ๐๐ ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐น๐ฎ๐ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐บ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐ฒ๐ฒ ๐ก๐ผ๐ฟ๐๐ฎ๐.
December 4, 2022 - Written by EditorRaโiisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.
Kulanka Raโiisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Raโiisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka goโantahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale