Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Maxamed Yuusuf Guure (Soodaani)
December 12, 2022 - Written by EditorGaroowe: 11 December 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tacsi u diray Marxuum Maxamed Yuusuf Guure (Soodaani) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
“INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Eebbe naxariistii Jano haka waraabiyo Marxuum Maxamed Yuusuf Guure (Soodaani). Waan tacsiyaynayaa guud ahaan ehelada Asxaabta iyo qoyska marxuumka, Alle waxaan uga baryayaa inuu danbigiisa dhaafo Jantul Fardowsana hoygiisa ka yeelo”.
Marxuumka ayaa maydkiisa saaka laga soo dajiyay garoonka diyaaraha ee Garoowe, waxaana maanta lagu aasi doonaa degmada Xuddun ee gobolka Sool.
DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND