Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika.[Masawiro]

December 6, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib tirayo kooxaha Argagaxisada. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ciidanka Midawga Afrika uga mahad celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalka.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday waxuuu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro Khawaariijta, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan qaaday in ATMIS ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dadaallada Xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida dalka looga hir-gelinayo.

—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale

Comments are closed.

Archives
December 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online