Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo booqday dhaawacyo yaal Isbitaalka Somcare ee Garoowe

March 1, 2023 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa caawa Isbitaalka Somcare ee Garoowe ku booqday qaar ka mid ah Shacabkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Maamulka Somaliland ku hayo Bulshada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

“Isbitaalka Somcare Garoowe waxaan caawa ku booqday qaar kamida Shacabka ku wax-yeeloobay Xasuuqa Somaliland ka wado magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Aniga oo u kuur galay xaalada Caafimaad ee bukaanada iyo wixii baahi ah ee ay qabaan, Alle SWC Caafimaad taam ah ha siiyo qaarkood waa dad waayeel iyo caruur isugu jira oo hoobiye lagu garaacay iyaga oo guryahooda jooga.

Waan u mahadcelinayaa Maamulka, Dhakhaatiirta iyo Kal-kaaliyayaasha Caafimaad ee u guntaday la tacaalidda Shacabkooda xasuuqa loo geystay.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online