Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo booqday Xafiiska Shirkada dhismaha ee Taawer

September 13, 2023 - Written by Editor

Gaalkacyo:_ Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa booqday Xafiiska Shirkada dhismaha ee Taawer oo dhismayaal Guryo Deegaan iyo ganacsi ah ka dhisaysa Magaalada Gaalkacyo.

sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday goobta laga hirgalinayo Xaafada Wacan Village oo dhismayaal casri ah ka socdaan, Wasiirka waxaa booqashadaan ku weheliyey Duqa Degmada Gaalkacayo Mudane Xassan Maxamed Jaamac (Jidka), Masuuliyiinta iyo Engineerada Shirkada Taawer.

Wasiir Cabdi Faarax ayaa bogaadiyey Maamulka Shirkada oo uu ugu horeeyo Eng Abduqadir Yusuf iyo Madaxa Suuq gaynta Shirkada Abdalla Jamaal ka qayb qaadashada Horumarka Magaalada taas oo qayb wayn ka qaadanaysa in Bulshadu dib ugu soo laabato Dalka.

Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Leave a comment

*

Archives
September 2023
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online