Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Nairobi

February 28, 2024 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska u dulqaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, taas oo xoojinaysa in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
February 2024
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
26272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online