Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Masuuliinta Caleema Saarka Madaxda Puntland.

February 1, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado oo mahadcelin ah la qaatay Masuuliyiintii iyo dhammaan howlwadeenadii ka shaqeeynayey Munaasabadii Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee dhacday 25 January 2024.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Duqa Caasimadda Garoowe Cabdiqaadir Geedi, Siyaasi Maxamuud Khaliif Jebiye, Guddigii heer Wasiir, Masuuliyiinta iyo howlwadeenadii ka shaqeeyay Munaasabadda caleemasaarka.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka iyo kartida Dadkii shaqeeyay, isagoo sheegay inay soo bandhigeen sida Puntland Dowlad iyo shacaba ugu diyaarsantahay Inay martigeliso kulamo waaweyn oo ay ka qeybgeli karaan kumanaan qof haya mansabyo kala duwan dal iyo dibed.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
February 2024
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
26272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online