Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo ansixiyey Golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland.[Video]

March 11, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda .

Madaxweynuhu wuxuu Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda oo ay sal u ahaayeen Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ka dhegaystay Aqoontooda iyo khibradooda shaqo, kadibna waxay ku ansixiyeen cod aqblabiyad ah iyadoo 54Mudane oo kulanka joogay dhammaan gacanta u taageen ansixinta xukuumadda cusub, sidoo kale waxaa uu Baarlamaanku ansixiyey qorshe Siyaasadeedka xukuumadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ansixinta xukuumadda kadib u mahadceliyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuuna la wadaagay in la xoojin doono wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda, si loo horumariyo adeegyada Dowladnimo ee loo hayo Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa munasabadda kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaanadda Golaha Wakiillada, Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, Golaha Garsoorka, saraakiil Madaxtooyo iyo martisharaf kale.

—-DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
March 2024
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online