Madaxweynaha JFS oo ku bogaadiyey labada aqal ee Baarlamaanka  ansixinta cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka

March 29, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha oo ah Ilaaliyaha mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka ayaa tilmaamay in Dastuurkan uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka”.

DHAMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2024
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online