Ra’iisul Wasaarah XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR)

March 21, 2024 - Written by Editor

MuqdishoRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.

Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2024
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online