Ra’iisul wasaarihii hore JFS oo ka digay wax ka bedelka Dastuurka dalka.[Video]
March 26, 2024 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay wax ka bedelka Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka digay in la bedelo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo heshiis lagu ahaa wax ka bedelkiisa oo aan heshiis lagu ahayn waxaa uu dhaawacayaa midnimada iyo wada jirka dalka Soomaaliya.
Ra’iisulwasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xusay in Dastuurka Federaalka ee hadda jira ay qaatay in lagu heshiiyo mudo dhan 22 sano ka dib dagaal sokeeyey ee ragaadiyey dalka Soomaaliya ee laga soo kabanayo.
A/cawaale
Halgan.net