Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf oo ka hadlay rabshadii shalay ee Bosaaso.[Dhagayso]
February 2, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf ayaa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari , Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf oo waraysi kooban siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu ka digay in dadka shacabka ah ee walaalaha ee ku dhqan Puntland laga dhex abuuro dhibaatooyin loona baahan yahay waxkasta oo dhib ah in lagu xaliyo wada hadal.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/xaafid Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay Madxad dowladda in ay u turaan shacabkooda isagoo baaq gaar ah u jeedyey saraakiisha ciidanka in ka fogaadaan wax kasta oo dadka shacabka dhib gaarsiin kara iyagoo sugaya amaanka guud wixi soo kordhana ay kala tashadaan Issimada iyo culimada Gobolka.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf ee waraysi siiyey Radio Daljir
[audio: http://idilnews.com/wp-content/uploads/2016/02/bari.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net