Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada kula shiray dhammaan hay’adaha ka hawl gala Puntland
February 16, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 16-Feb- 2016 Aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe shir kula qaatay hey’adaha ka hawl-gala gudaha Puntland, maadaama ay Dawladda Puntland hore ugu astaysay hay’adaha in looga baahanyahay in16-ka February gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka iyo duunyada ay abaaruhu wax-yeelee yeen.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo ah guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ayaa sheegay in deegaano gaareya 78 deegaan oo ka kooban 5 gobol oo ka mid ah gobollada Puntland ay si weyn u wax-yeelaysay abaartu isla markaana biyihii iyo baadkiiba ay gabaabsi noqdeen, loona baahanyahay in si wada jir ah looga hawl galo.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Dawladda Puntland oo kaashanaysa hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ay ku dhawaaqayso in ay billaabi doonto gurmad deg-deg ah iyadoo ka duulaysa tallaabooyinka soo socda.
o Dawladda Puntland ay dib u habaynaysaa dhamaan ceelasha biyaha ee gobolada ay Abaartu wax-yeeleysay si loo helo baraago biyaha celin kara.
o Dawladdu waxay bilaabeysaa Biyo dhaamis ballaaran oo meelo kala duwan ah
o Dawladdu waxay tallaali doontaa dhamaan xoolaha Abaartu saamaysay
o Dawladdu waxay diyaarin doontaa gaadiid caafimaad iyo kooxo dhaqaatiir ah si loogu gurmado dadka ay Abbaartu saameysay
o Dawladdu waxay diyaarin doontaa Baraagaha guur-guura si dadka iyo duunayada aan soo gaari karin ceelasha biyaha loogu gaar siiyo biyo meelaha ay joogaan
o Dawladdu waxay Samaynaysaa nafaqayn Hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaan dadka nugulka ah ee Abaaruhu ay wax-yeellee-yeen.
Ugu dambayntii Dawladda Puntland iyo hay’adihii shirka kasoo qayb galay ayaa isla Af-gartay in si joogto ah ay guddiga abaaraha iyo hay’aduhu u wada joogteeyaan warbixinada iyo xogaha ku saabsan hadba halka ay marayaan hawlaha gurmadku si’aanu u kala go’in gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ay abaaruhu halakeeyeen.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.